Wararka Soomaalida
Gudiga doorashooyinka Jubbaland oo lagu dhawaaqay+sawiro
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa xalay saqdii dhexe kaga dhawaaqay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinkii Maamulka Jubbaland. Intaas ka dib Golaha Baarlamanka Maamulka Jubbaland oo maanta kal fadhi ka yeeshay talaabadan uu qaaday xalay saqdii dhexe Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dood dheer ka yeeshay Gudigan uu […]
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa xalay saqdii dhexe kaga dhawaaqay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinkii Maamulka Jubbaland.
Intaas ka dib Golaha Baarlamanka Maamulka Jubbaland oo maanta kal fadhi ka yeeshay talaabadan uu qaaday xalay saqdii dhexe Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dood dheer ka yeeshay Gudigan uu magacaabay.
Falanqayn iyo doodo dheer ka dib Golaha Baarlamanka Maamulka Jubbaland ayaa isku raacay in Cod gacantaag ah ay ku ansixiyaan Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinka ee uu magacaabay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Gudigan oo ka kooban 7-xubnood ayaa waxaa laga soo dhax xulay Golaha Baarlamanka iyo Golaha wasiirada Maamulka Jubbaland waxayna diyaarin doonaan doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa ee Maamulkaas.
Talaabadan uu qaaday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ee uu ku magacaabay gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa looga danleeyahay udiyaar garowga doorashada Maamulka Jubbaland ee lagu wado in ay dhacdo bisha August ee sanadkan aan kuguda jirno ee 2019ka.
Siyaasiyiinta xog ogaalka u,ah arrimaha Axmed Madoobe ee doorashada bisha August lafilayo in ay qabsoonto ayaa rajo xumo ka muujinaya doorashada Jubbaland in ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah iyagoo ka cabsiqaba in Axmed Madoobe uu ku shubto doorashada Maamulka Jubbaland.