Wararka Soomaalida

Gudiga maamul dhisidda Galmudug oo soo saaray Shuruudo

Published

on

Guddiga Farsamada Maamul u dhhisidda Galmudug ayaa maanta soo saaray Shuruudaha ka mid noqoshada Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Galmudug iyadoo hadda heer gabagabo ah ay marayso soo xulista Golaha baarlamanka Galmudug.

Shuruudaha ay soo saareen Gudiga ayaa waxay ka kooban yihiin 11 qodob oo kala ah.

1-inuu yahay qof muslim ah diintiisana si dhab ah ugu dhaqmo.

2-in da’diisa ka yaraan 25 kana waynaan 75 sano.

3-in jir ahaan iyo maskax ahaan uu Caafimaad qabo.

5-inuu yahay Soomaali degana Galmudug lehna xuquuqda codaynta.

6-inuusan gelin faldambiyeedyo uu ku mutaystay xukun xarig libilood ah iyo ka badan.

7-in aqoontiisa aysan ka yareen heer dugsi sare ama leeyahay aqoon iyo waaya aragnimo aan ka yareen 5 sano iyo ka badan.

8-inuu diyaar u yahay in Imtixaan laga qaado asaasi ah si loo xaqiijiyo heerkiisa/keeda aqoontiisa/ aqoonyeeda iyo waaya aragnimada shaqo dhan walba

9-in uu kala yimaado hay’adaha amniga war qad cadayn ah inuusan dambiile ahayn ama ka tirsanayn Ururada xagjirka ah.

10-in uu soo buuxiyo Foomka ka midnoqoshada Baarlamanka Galmudug iyo taariikh nololeedkiisa.

11-in magaciisa oo dhamaystiran uu soo gudbiyo Oday dhaqameedka loo igmaday soo xulista baarlamanka Galmudug iyo magacaabista musharaxnimadiisa ka mid noqoshada Golaha wakiilada Galmudug isla markaana uu waafaqsan yahay habka qoondada haweenka 30 ./. boqolkiiba soddon.

FG:Shuruudahan ayaa waxay saamaynayaan dhamaan 89 xubnood ee Golaha wakiilada Galmudug.

Haddaba hoos ka akhriso.

Trending

Exit mobile version