Wararka Soomaalida

Gudiga sharciga doorashooyinka oo kulan la qaatay Madaxweyne Xaaf

Published

on

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa galabta kulan kula qaatay magaaladda muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo sidoo kale xildhibaano ka mid ah baarlamaanka maamulka Galmudug.

Ujeedka kulanka uu guddigan la yeeshay Madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ahaa dhageysi iyo talo aruurin la xariirta sharciga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa marka hore soo dhaweeyay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka,isagoo uga mahadceliyay juhdiga iyo waqtiga ay ku bixinayaan sharciga doorashooyinka qaranka ee soo diyaarintiisa uu guddigaan KMG ah uu gacanta ku haayo.

Golaha wasiiradda galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka usoo bandhigay guddiga.

Guddoomiyaha guddigan Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng carab) ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo xildhibaanadda Galmudug inay guddiga ka ogolaadaan inay kulan wadatashi ah oo la xarrriira sharciga doorashooyinka qaranka ay wada yeeshaan.

Ugu dambeyntii kulanka uu Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka la yeeshay maanta madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo xildhibaanadda Galmudug ayaa ku soo dhamaaday is afgarad wanaagsan iyo jawi heerkiisa sareeya.

Trending

Exit mobile version