Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Banaadir oo kulan la qaatay madax ka socotay UNHCR

Published

on

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan dheer kula yeeshay madax ka socotay hay’adda UNHCR ka dib markii maanta ay soo gaareen Gobolka Banaadir iyagoo ukuurgalayay xaalada nololeed iyo mid Caafimaad qoysaska dantayar ee ku nool xerooyinka Barakacayaasha ee ku yaala Muqdiaho iyo hareeraheeda xiligan ay ku sugan yihiin.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa sheegay in kulankan ay kaga doodeen sidii loo caawin lahaa qoysaska dantayar ee barakacayaash ah ee ku nool xerooyinka barakacayaasha hay’addana kaalin wax ku ool ah ugu qaadan lahayd iyadoo mas’uuliyiinta hay’adda UNHCR ay ka ogolaadeen Gudoomiyaha caawinta qoysaska dantyar.

Kulankan ku dhaxmaray xarunta Gobolka Banaadir Gudoomiyaha iyo mas’uuliyiintan ka socotay hay’adda UNHCR ayaa saacado isla falanqaynayay sida wax loogu qabankaro xaaladaha adag ee ay wajahayaan qoysaska Barakacayaash ah iyo sidoo kale sidii deegaanadii ay ka soo barakaceen dib loogu celinlahaa.

Gudoomiye Cumar Finish iyo xubnahan ka socday hay’adaas ayaa ugu dambayn islameeldhigay in marka hore qiimayn buuxda lagu soo sameeyo qoyasaka xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin iyo in tirakoob guud lagu soo sameeyo markaas ka dib laguda galo qaabkii dib loogu celinlahaa deegaanadii ay ka yimaadeen.

Trending

Exit mobile version