Wararka Soomaalida
Gudoomiyaha G/banaadir oo fariin udiray Shariif Sheekh Axmed
Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka hadlay arinta joojinta aadista Kismaayo Shariif Sheekh Axmed wuxuuna faray in sharciga iyo dastuurka dalka uyaala uhogaansamo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ka dib markii maanta shirjaraa,id oo weerar ah ku qabtay magaalada Muqdisho siweyna udhaleeceeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre kuna tilmaamay shaqsiyaad dibadda ka yimid barina ka bixi kara dalka sidoo kale ku eedeeyay inaysan uturaynin shacabka iyo dalka midna.
Gudoomiye Finish ayaa usheegay Shariif Sheekh Axmed in wax walba ka sareeyaan nidaamka iyo sharciga dalka uyaala cid laga yeelayo ku xad gudub sharci aanay jirikarin sidaas awgeed siyaasiyiinta buunbuuninaya talaabadii shalay dowladda kaga joojisay Shariif Sheekh Axmed inuu ku aado Kismaayo ay joojiyaan falalka xaalad abuurka ah.
“Waxaan ka codsanayaa Madax weynihii hore ee dowladii KMG Somaliya Mudane sheekh shariif sheekh axmed in uu u hogaan samo awaamirta dowlada ka muwaadin ahaan, Misane uu ka fogaado wax kasta oo sii hurinaya qilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowlada JFS iyo Dowlada Goboleedka Jubaland,waxaa sidoo kale ka codsanayaa madaxda qaranka ay quseeyo arinkaan in Wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo qilaafaadka jira sida jubaland iyo tan shaqsiyaadkaba si uusan waqti inoogu lumin isjiid jiid dhexdeena ah misana ay hakat ugalin u adeega Bulshada iyo qarankaba,dalkeena waqti Xaadirkan uma baahna khilaafaad ee waxuu u baahan yahay xal iyo wadatashi niyad ah taas oo ah waajib saaran Muwaadin kasta oo soomaaliyeed”ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish ka dib markii qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku leeyahay.