Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha G/Banaadir oo gaaray dalka South Africa

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho waxayna gaareen magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxayna ugu sii talaabi doonaan magaalada Durban ee dalka South Africa ka dibna waxay Magaaladaasi kaga qeyb galaya shirka Parliament and Mayors oo halkaasi ka furmaya.

Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Johannesburg ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka South Africa iyadoo xalay Johannesburg loogu sameeyay munaasabad soo dhaweyn ah.

“Waxaan u mahadcelinaaya madaxda safaarada Soomaaliya ee dalka South Africa iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Johannesburg sida ay iigu soo dhaweeyen garoonka diyaaradaha ee Tambo International Airport”

Gudoomiye Cumar Finish safarkan South Africa uu ku joogo iyo shirka uu ka qeyb gelayo ayaa wuxuu yahay markii ugu horaysay isagoo mas’uul ah dalka dibadiisa u aado shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya iyo caalamka.

Trending

Exit mobile version