Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo amar soo saaray

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta booqday meelaha ugu qashinka badan magaalada Muqdisho wuxuuna ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta qashin iyo wasaq midna lagu arki karin goobtaas wuxuuna amar ku bixiyay in laga qaado goobta qashinka yaala si dhaqso leh-na loo nadiifo.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa bulshada ku nool Muqdisho dhamaantood faray inay ka shaqeeyaan fayadhowrka Caasimada sidoo kale soo sheegaan kuwa meelaha banaan ku soo shubaya qashinka iyo wasaqda si talaabo adag loogu qaado islamarkaana si ay ugu waano qaataan kuwa gamigooda uu yahay in Magaalada sidaan sii ahaato.

Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa amar ku siiyay sharkadaha qaabilsan qashinqaadista ee aan wali isu soo diiwaan gelin in si deg deg isku soo diiwaan geliyaan si loo dardar geliyo bilic soo celinta Muqdisho haddii kale talaabo adag ay la kulmo doonaan.

“In goobaha dadweynuhu isugu yimaado qashin lagu shubo waa mid aan la aqbali karin, waxaan ku wargelinaynaa shirkadaha ka shaqeeya qashinka ee aan diiwaan gashanayn in si deg deg ah ay isu soo diiwaan gelinayaan”ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish.

Magaalada Muqdisho ayaa wali lagu guulaysan in laga mamnuuco qashinka meel walba daadsan ee halaynaya bilicda iyo magaca Caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Trending

Exit mobile version