Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqday Excontrol afgooye

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa booqday qaraxii ka dhacay Excontrol afgooye wuxuuna ka tacsiyadeeyay musiibadaasi saaka ka dhacay Isgoyska Excontrol afgooye.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawac farabadan ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Excontrol afgooye wuxuuna ku tilmaamay musuubo qaran.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyootay ku dhawaad 120 ruux halka dhaawwcana uu gaarayo 160 qof oo la dhigay isbitaalada Muqdisho.

Gaari nooca xamuulka ah ayaa la sheegay inuu ku qaraxay Excontrol afgooye xili la doonayay in lagu laayo ineero Turkiga ah balse la sheegay inay ka badbaadeen qaraxaasi.

Trending

Exit mobile version