Wararka Soomaalida
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay gudiga gurmadka fatahaadaha
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa caawa magacaabay Gudiga gurmadka fatahaadaha ee gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo si ba,an ugu fatahay Wabiga shabeele kana barakiciyay bulshadii magaaladaasi ku nooleed ka dib markii guryaha ugu soo galeen biyaha Fatahaada.
Gudoomiye Cumar Finish ayaa wuxuu magacaabay 11 xubnood oo ah gudi ka howl geli doona arimaha samata bixinta qoyasaska ay barakiciyeen Fatahaada biyaha Wabiga Shabeele ka dib kulan caawa ay ku yeesheen xarunta maamulka uu ku shaqeeyo.
Gudoomiye Cumar Finish ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho in kaalin tooda ka qaataan ugurmashada bulshadaasi dhiban kuwii bilaabay inay ugurmadaana ay ku mahadsan yihiin.
“Waxaan caawa magacaabay gudiga gar-gaarka gurmadka deg dega ah ee fatahaada wabiga Shabeele ee magaalada Baladweyne ku waasoo ka kooban 11-xubnood,muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho waxaan ugu baaqaya in ay sii xoojiyaan gurmadka lagu caawinaayo walaalaheena reer Baladweyne”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish.
Qoyasaaka ka barabaxay Fatahaada biyaha Wabiga Shabeele ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 300,000 kun oo qoys iyagoo hadda ku dhibaataysan deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka ka ah magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.