Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo safarkii ugu horeeyay dalka dibadiisa ku aaday

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa markii ugu horaysay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho wuxuuna safarkaas ku aaday dalka South Africa.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa dalka South Africa wuxuu kaga qeyb galayaa shirka Global Parliament of Mayors(GPM) oo ka dhacaya magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika oo Gudoomiyaal magaalo iyo mas’uuliyiin kalaba ay iskuugu imaan doonaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish oo shirkaas lagu casuumay ayaa la filayaa inuu ka jeedin doono Khudbad dhinacyo badan taabanaysa kana hadlaysa wadciga guud ee Soomaaliya ka jira.

“Waxaan caawa u ambabaxay dalka South Africa gaar ahaan magaalada Durban halkaasi oo aan uga qeyb gali doono shirka Global Parliament of Mayors (GPM)”ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish oo qoraalkan kooban soo dhigay bartiisa Facebook uu ku leeyahay ka hor inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Safarka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Finish uu caawa ku aaday magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu yahay safarkiisii ugu horeeyay oo uu kaga ambabaxo Muqdisho tan iyo markii xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabay.

Trending

Exit mobile version