Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo umahad celiyay shacabka Muqdisho

Published

on

Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta ka qayb galay munaasabadii baroordiiqda ahayd ee lagu xusayay 14 October qaraxii ka djacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ee sanadkii 2017-dii.

Shacab weyne aad utirabadan ayaa iskuugu yimid Isgoyska Soobe waxaana khudbad kahadlaysay musiibadaasi ujeediyay Gudoomiye Cumar Finish wuxuuna faray shacabka inay iskubduubnaadaan.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay ka joogaan aduunka sida qiimaha leh ee ay umuujiyeen dareenka wadaniyadeed ee dhacdadaas uga muujiyeen.

“Shacabka Caasimadda waxaan uga mahadcelinayaa sida ay u muujiyeen dareenkooda ku addan falkii argagaxisadu nooga dishay bulshadeenii qiimaha badneyd”

Isgoyska Soobe ee qaraxaasi ka dhacay ayaa wuxuu galaaftay nolosha inkabadan shan boqol oo qof halka dhaawacana uu gaarayay 1000 ruux oo bulshada qeebaheeda kala duwan.

Trending

Exit mobile version