Wararka Soomaalida
Gudoomiyaha gudiga maamul dhisida Galmudug oo kulan la qaatay Haweenka GMG
Gudoomiyaha Guddiga Farsamada iyo Maamul Dhisidda Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa maanta kulan la qaatey haweenka Galmudug iyadoo haweenkaas Gudoomiyaha u sheegay inay dacwo u qabaan Gudigooda farsamada iyo maamul dhisida Galmudug.
Kulankan dhaxmaray haweenka Galmudug iyo Gudoomiyaha farsamada maamul dhisida Galmudug Cabdinaasir Gelle Cilmi ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Haweenka ayaa Gudoomiyaha kala hadley qeybta dumarku ku leeyihiin dhismaha maamulka iyo sidii Haweenka ay qeyb uga qaadan lahaayeen geedi-socodka maamul dhisidda Galmudug ee hadda howshiisa lagudagalay.
Gudoomiye Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa Haweenkii kulanka uu la qaatay usameeyay balanqaad ah in Haweenka qoondadooda haweenka ay tahay lama taabtaan ayna heli doonaan.
Kulankaas haweenka Galmudug iyo Gudoomiye Cabdinaasir Gelle Cilmi ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo isfahan guud.