Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir oo xalay loo diiday in khudbad uu ka jeediyo xafladii Caleemasaarka Siciid Deni

Siyaasiga Mucaaradka xooggan ah ee sida weyn udhaleeceeya Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Xibiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay Xafladii balaarneed ee Caleema Saarka Madaxda Puntland ee xalay ka dhacay Magaalada Garowe ayaa laga hor istaagay in khudbad uu ka jeediyo xaflada. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labo maalin ka […]

Published

on

Siyaasiga Mucaaradka xooggan ah ee sida weyn udhaleeceeya Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Xibiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay Xafladii balaarneed ee Caleema Saarka Madaxda Puntland ee xalay ka dhacay Magaalada Garowe ayaa laga hor istaagay in khudbad uu ka jeediyo xaflada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labo maalin ka hor ka degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garowe asaga iyo qaar ka mid ah xubnaha Xisbigiisa ee Wadajir ayaa waxaa xiligaas soo dhaweyn fiican usameeyey Madaxweynaha xalay lacaleema saaray Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash.

Waxaa si aad ah baraha bulshada ay ku wada xiriiraan loogu hadal hayey Siyaasigan dhaleecayntiisa Dowladda meel kastaba lataagnaa ee lagu casuumay Xaflada Caleema Saarka Madaxda cusub ee Puntland iyo waxa ka dhalan doona markii lagaaro waqtiga hadal jeedinta iyadoo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka mid ahaa Mas,uuliyiinta lacasuumay.

Haddaba markii lagudagalay furitaanka Xaflada ayaa waxaa soo xarooday dhamaan Martisharaftii lagu casuumay xaflada iyadoo Mas,uul waliba farta loogu fiiqayey booska uu fariisanayo.

Cabdiraxmaan Cabdjshakuur Warsame ayaa waxaa lagu wargaliyey in kursiga uu ku fariisanayo uusan ka mid ahayn qaybta hore ee VIP-da ee Madaxda sare looga talo,galay balse uu dhex fariisto dad weynaha caadiga ah ee xaflada ka soo qayb galay asaga iyo inta kale ee xisbigiisa ka mid ah  ee la socotaba.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay in uu ka carooday sababta keentay in la qadarin waayo oo shacabka la dhex fariisiyo.

Gudiga nidaamka iyo hab maamuuska xaflada ayaa u sheegay siyaasigan in wax hadal jeedin ah uusan ku lahayn xaflada xataa lagaxusi doonin xaflada Magaciisa iyo magaca xisbiga uu Madaxda ka yahay,muran iyo isjii jiid dhex maray siyaasiga Mucaaradka ah iyo Gudiga xaflada ka dib asagoo ku qanacsanayn sida loo galay ayuu ogolaaday Cabdiraxmaan in uu dhex fariisto dad weynaha asaga iyo asxaabtiisa.

Markii laxusayey magacyada ka soo qayb galiyaasha xaflada iyo xilalka ay ahyaan ayaan lagu darin Magaciisa iyo Magaca Xisbiga Wadajir sida horayba loogu sheegay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo yaaban cida ka talisay in sidaan loo bahdilo ayaa iyadoo halmar xataa la soo hadal qaadin magaciisa ay dhamaatay xafladii Caleema Saarka.

Waxay Kaamirada labo jeer soo qabatay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shacabka ku dhax lulmoonaya ama ku dhex hurdaya kursigii uu ku fadhiyey dushiisa.

Xog uu helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaysa in talaabadaan looga joojiyey khudbadda Cabduraxmaan Cabdishakuur ay ka dambaysay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa intaas dheer oo iyana xaflada lagu maquuniyay Madaxwwyniyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo aan laxusin Xisbiyada ay madaxda ka yihiin kaliya waxa meesha laga xusay ay ahayd in ay yihiin Siyaasiyiin Soomaaliya soo hogaamiyey ee ah Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya.

Haddaba waxaa la hadalhayaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadli doono dhacdadaan ku qabsatay Garowe.

Wixii ku soo kordha waa inoo goordhow insha,allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version