Wararka Soomaalida

Gudoomiye Yariisow oo sheegay in qorshe loo dejinayo qoysaska dantayar+Sawiro

Godoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow oo maanta kulan is xog wareysi ah la yeeshay qoysaka Barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kulankiisa u daaranaa sidii ugu dhaba gelilahaa xaafadda ay ku sugan yihiin qoysaska dantyar ee Barakacayaasha ah ee ku nool Wardhiigleey […]

Published

on

Godoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow oo maanta kulan is xog wareysi ah la yeeshay qoysaka Barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kulankiisa u daaranaa sidii ugu dhaba gelilahaa xaafadda ay ku sugan yihiin qoysaska dantyar ee Barakacayaasha ah ee ku nool Wardhiigleey meesha noloshooda ay marayso.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow ayaa sheegay in qoysaskan ay la wadaageen xalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin wuxuuna sheegay inay ugu warameen in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ku sugan yihiin Alle mooye cid kale oo ogna jirin balse aad ugu farxeen markii ay arkeen in iyagoo filayn booqashada kediska ah ugu yimid.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in xaladaas adag ee nolosha ah ee ay wajahayaan Barakacayaasha si deg deg ah wax looga qabanayo qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay kan koobaad ee wax looga qabanayo xaalada ay wajahayaan qoysaskan.

“Galabta waxaan kulan wadatashi iyo xogwareysi la qaatay Barakacayaasha ku nool Degmada Warta Nabada oo aan dhageystay tallooyinkooda iyo fikradahooda muhiimka u ah Qorshaha Maamulka G/Banaadir ee Xalwaara u helista si ay bulshada uga mid noqdaan Wadatashigii aan maanta la yeeshay Barakacayaasha waxuu qeyb ka yahay hirgelinta Siyaasada G/Banaadir ee Barakacayaasha si xal waara loogu helo Maamulka G/Banaadir waxuu ahmiyad gaar ah siiyey si xalwaara loogu helo Barakacayaasha”ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version