Wararka Soomaalida

Gudoomiye Yariisow oo weeraray Wasaaradda Caafimaadka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan Injineer Yariisow ayaa caawa weerar Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya wuxuuna nasiib xumo ku tilmaamay inay Maseyr ka muujiso wasaaradda Caafimaadka habka shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir sida uu sheegay Gudoomiye Yariisow. Injineer Yariisow ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadka maroorsatay oo isku darsatay shaqooyin Maamulka […]

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan Injineer Yariisow ayaa caawa weerar Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya wuxuuna nasiib xumo ku tilmaamay inay Maseyr ka muujiso wasaaradda Caafimaadka habka shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir sida uu sheegay Gudoomiye Yariisow.

Injineer Yariisow ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadka maroorsatay oo isku darsatay shaqooyin Maamulka Banaadir xaqa ulahaa iyo tii wasaaradda Caafimaadka iyadoo xaqiraysa shaqada ay iyagu xaqa uleeyihiin.

Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Banaadir Injineer Yariisow ayaa maseyrkaas ku tilmaamay mid wasaaradda ugu goleedahay hagardaamaynta shacabka Muqdisho.

“Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto,weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir, halka Wasaaradu mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka gobolada oo dhan”ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka injineer Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Hadalkan ayaa waxaan weli jawaab ka bixinin wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Drso Fawsiya Abiikar Nuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version