Wararka Soomaalida
Gudoomiyihii Gudiga dib udhiska waddada Boosaaso oo xabsiga la dhigay
Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ah Gudoomiyaha gudiga dib udhiska wadada Boosaaso caawa xabsiga utaxaabeen Ciidamada amniga Puntland ka dib markii maanta uu ka soo laabtay safar uu kaga maqnaa magaalada Boosaaso. Gudoomiyahan caawa Ciidamada amniga Puntland xabsiga dhegeen ee […]
Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ah Gudoomiyaha gudiga dib udhiska wadada Boosaaso caawa xabsiga utaxaabeen Ciidamada amniga Puntland ka dib markii maanta uu ka soo laabtay safar uu kaga maqnaa magaalada Boosaaso.
Gudoomiyahan caawa Ciidamada amniga Puntland xabsiga dhegeen ee lagu magacaabo Maxamed Macalin Axmed ayaa wuxuu ku biirayaa Seddax xubnood oo horay Ciidamada ay uxireen iyadoo xiligii xabsiga la dhigayay saaxibadiisa Maxamed Macalin Axmed uu ka maqnaa Magaalada Boosaaso.
Sababta loo xirxirayo Gudiga dib udhiska waddada Boosaaso ayaa waxaa lagu sheegay in ay diideen in ay dib uceliyaan Lacag dowladda federaalka Soomaaliya Gudigan gacanta ugelisay si ay ugu dhisaan waddada burbursan ee Boosaaso iyo wadooyinka kale ee deegaanada maamulka Puntland.
Sheekh Maxamed Macalin Axmed iyo ragga kale ee ku xiran Xabsiga Boosaaso ayaa waxaa lagu xiray amar ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni iyadoo Siciid Deni Gudigan ku amray in Lacagta uceliyaan Dowladda federaalka Soomaaliya ka dibna iyagu ay diideen.
Lacagtaas oo dhowr Malyan oo Dollar ah ayaa waxaa Gudiga faraha ka saaray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka dib booqashadiisii Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Puntland.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni oo ka carooday amar la,aantiisa Ra’iisul wasaaraha uu ku booqday waqooyiga Gaalkacyo ayaa haddana waxaa ku xigtay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu Malaayiin Dollar gacanta ugeliyay Gudiga dhismaha wadooyinka Puntland.