Wararka Soomaalida
Guud ahaan Soomaaliya oo laga xusay 26 Juun+Sawiro
Munaasabadda 26 Juun ayaa maanta iyo xalay waxaa laga xusay guud ahaan dhulka Soomaalida ay degto. Meelaha laga xusay waxaa ka mid ah Muqdisho,Hargaysa,Kismaayo, Garowe dhuusa-Mareeb,Jowhar iyo Baydhabo dhamaan mas,uuliyiinta Soomaalida iyo shacabka ku nool deegaanadaas ayaa si wadajir ah uxusay munaasabadda 26 Juun. 26 Juun ayaa waxay tahay 1960 markii Gobolada waqooyi ay ka […]
Munaasabadda 26 Juun ayaa maanta iyo xalay waxaa laga xusay guud ahaan dhulka Soomaalida ay degto.
Meelaha laga xusay waxaa ka mid ah Muqdisho,Hargaysa,Kismaayo, Garowe dhuusa-Mareeb,Jowhar iyo Baydhabo dhamaan mas,uuliyiinta Soomaalida iyo shacabka ku nool deegaanadaas ayaa si wadajir ah uxusay munaasabadda 26 Juun.
26 Juun ayaa waxay tahay 1960 markii Gobolada waqooyi ay ka xoroobeen heeradii gumaysiga ee Ingiriiska.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay Muqadis wadahadalada Maamulka Soomaaliland ay ku dadaalayaan sidii umira dhalilahaa.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in wadahadalada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland hortaagan yihiin Madaxda Soomaaliya.