Wararka Soomaalida

Hay’adda NISA oo Shan ruux soo bandhigtay

Published

on

Howlgal ciidamada Hay’adda NISA ee Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay ku soo qabteen shan nin oo lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al shabaab.

Howlgalka NISA ayaa sidoo kale wuxuu ka dhacay deegaanka la yiraahdo Hareen Tuurre oo inyar u jira Degmada Beledxaawo waxaana halkaas NISA sheegtay inay ku soo qabteen nin in muddo ah ay ku raad joogtay hay’adda oo ka tirsan Al shabaab.

Mid ka mid ah Saraakiisha NISA oo lagu magacaabo Cali Deyr oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay howgalkii ay ka fuliyeen degmada Beledxaawo iyo deegaanka Hareen Tuurre in guul uu ku soo dhamaaday.

Sarkaalkaas ayaa intaas hadalkiisa ku daray in shantan nin qaarna Ciidamada ay ku soo qabteen Maandooriyaha nooca Xashiiska iyo raggii ka ganacsanayay iyo waliba kuwii isticmaalayay Maxkamadda la geyn doono si loogu qaado dambiga ay galeen.

Trending

Exit mobile version