Wararka Soomaalida

Hay’adda QM u qaabilsan wax yaabaha Qarxa oo warbixin ka soo saartay weerarkii Xalane

Hay’adaha QM ee Xafiisyada ku leh Magaalada kana howlgala ayaa Warar isdaba joog ah ka soo saaraya Weerarkii lagu qaaday Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho islamar,ahaantaana ay ku yaallaan Xafiisyo farabadan oo QM ah. Weerarkaas ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday Hoobiyaal ka dibna dhaawacyo ka soo gaaray Seddax ka mid ah Shaqaalaha Xafiisyada […]

Published

on

Hay’adaha QM ee Xafiisyada ku leh Magaalada kana howlgala ayaa Warar isdaba joog ah ka soo saaraya Weerarkii lagu qaaday Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho islamar,ahaantaana ay ku yaallaan Xafiisyo farabadan oo QM ah.

Weerarkaas ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday Hoobiyaal ka dibna dhaawacyo ka soo gaaray Seddax ka mid ah Shaqaalaha Xafiisyada iyo shakhsi Qandaraasle ah sida lagu xusay Warbixinada QM ka soo baxaya.

Weerarkaas lagu qaaday Xarunta Xalane oo sidoo kale ay ku yaallaan Xafiisyada Safaaradaha reer Galbeedka iyo Taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ayaa waxaa QM ku abuuray Walaac xoog leh.

Haddaba waxaa soo baartay Warbixina ka soo saartay nooca uu yahay Hubka lagu weeraray Xalane Hay’adda Miina baarista uqaabilsan QM ee United Nations Mine Action Service (UNMAS) waxayna sheegtay Hay’addu weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee 1-da Janaayo ee sanadkan 2019 lagu qaaday xarunta UN-ka ee Magaalada Muqdisho in weerarka loo adeegsaday Qoriga Hoobiyaha nooca 80-mm iyo saalbooyin noocoodu yahay L33A1.oo ah isla rasaastii loo adeegsaday weerarkii xalane lagu qaaday horaantii July sanadkii 2018.

Weerarkaas Hoobiyeyaasha ah ayaa Hay’adda Mine Action ku sheegtay Warbixinteeda in laga soo qaaday jihada Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo masaafo dhan ujirta Xalane 4.5-KM xarunta UN-ka ee ku dhex taalla Xalane isla markaana weerarka ay sheegteen kooxda Alshabaab kadib 15 daqiiqo weerarka ka dib waxayna Hay’addu intaas ku dartay Warbixinteeda inaysan jirin koox kale oo lagu tuhmi karo Weerarkaas.

Madaafiicda ayaa ahaa kuwo si toos ah ugu dhacay xarunta UN-ka, siiba xafiisyada CPO iyo (UNMAS) wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhowaa ee si toos ah loogu qaado xarunta UN-ka  ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version