Wararka Soomaalida
Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo heshiis cusub galay
Cabdiqaadir Muumin Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya islamarkaana Kooxda dhaxdeeda loogu yeero Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si aad ah loo hadal hayay in Caafimaadkiisa uusan fiicnayn ayaa maanta ka soo muuqday Muqaal uu beco ama balan cusub kula gelayo Hogaamiyaha guud ee Daacish Abubarka Albaqdaadi ee ku dhuumaalaysanaya dhulka Kaymaha ah […]
Cabdiqaadir Muumin Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya islamarkaana Kooxda dhaxdeeda loogu yeero Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si aad ah loo hadal hayay in Caafimaadkiisa uusan fiicnayn ayaa maanta ka soo muuqday Muqaal uu beco ama balan cusub kula gelayo Hogaamiyaha guud ee Daacish Abubarka Albaqdaadi ee ku dhuumaalaysanaya dhulka Kaymaha ah ee udhaxeeya wadamada Suuriya iyo Ciraaq.
Wadaadkan ugu sareeya Ururkan labaxay Daacish faraca Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin ayaa saldhig u ah Buuralayda Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Bari halkaasoo uu ka soo abaabulo dagaalka uu kula jiro dowladda federaalka Soomaaliya,AMISOM iyo Puntland.
Sheekh Cabdiqaadir Muumin iyo Abubakar Albaqdaadi ayaa maanta wada galay heshiis cusub oo hor leh ka dib markii uu ka dhamaaday kii hore iyagoo ku heshiiyay inay xoojiyaan dagaalka ay ka wadaan aduunka gaar ahaan waxaa lagula balamay Cabdiqaadir Muumin qaybta Soomaaliya inuu xoojiyo oo uu dardar geliyo iyadoo wadaadkan uu balan ku qaaday inuu fulinayo dalabka hogaamiyihiisa ee Daacish.
Hogaamiyahan Soomaaliya uqaabilsan Daacish Cabdiqaadir Muumin xiligii uu la hadlayay Abubakar Albaqdaadi ayaa waxaa ku hareeraysanaa Kooxda Ciidanka u ah iyagoo si toos ah u dhageysanayay hadalada ay is dhaafsanayeen labada hogaamiye iyadoo heshiiskan cusub iyo codadka labada Hogaaniye laga baahiyay Channel kooxdan wararkooda iyo Barnaamijyadooda laga baahiyo.
Abubakar Albaqdaadi iyo Cabdiqaadir Muumin cod laga duubay labadooda oo heshiis iyo balamo wada gelaya ayaa soconaya wada hadaladooda Afar saacadood iyo dheeraad iyadoo diirada ku saaray in la,ilaaliyo balanta lana oofiyo becada ay wada galeen.
Cabdiqaadir Muumin iyo Ciidankiisa ayaa waxay dagaal dhinacyo badan leh kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo xulafadooda iyo sidoo kale Al shabaab waxaa intaas u dheer duqeymaha maalin iyo habeenba ay kala kulmaan dowladda Maraykanka.