Community

Hooyo la xiray, wiil ay dhashayna maydkiisa laga helay gaarigeeda

Published

on

Hooyo Soomaaliyeed oo la xiray, wiil ay dhashay oo mayd ahna laga helay gaarigeeda

Sagal A. Hussein oo ah hooyo Soomaaliyeed oo 25-jir ah oo degen magaaladda Green Bay ee gobolka Wisconsin ayaa la xiray kadib markii laga helay wiil ay dhashay oo 5-jir ah
maydkiisa gaadhiga ay hooyadani wadatay.

Wiilka yar ee 5-jirka ah oo la yiraahdo Josias Marquez ayaa maydkiisa laga helay gaadhiga hooyadiis Sagal A. Hussein ayaa in mudo ah la’laa.

Dad deris la ah hooyadan Soomaaliyeed ee dacwada dilka iyo masuuliyad darada ah lagu soo oogay ee xabsiga ku jirta ayaa waxay banaanka ku arkeen laba carruur ah oo ay da’doodu tahay 2-jir iyo 6-jir banaanka wakhti xun wareegaya arkay, kadibna ciidanka booliiska ugu yeeray.

Ciidanka booliiska magaaladda Green Bay ayaa markii ay carruurta yar-yar weydiiyeen meesha ay jirto hooyadood u sheegay in ay mudo baddan hooyadood guriga ka maqnayd. Booliiska ayaa intii ay baarayeen maqnaanshaheeda ogaaday in uu jiro cunug saddexaad oo ay dhashay balse aanan guriga joogin.

Markii hooyadan la weydiiyay meesha uu ku maqan yahay cunugeeda kale ee 5-jirka ah ayaa sheegtay in uu aabihiis la joogo oo uu halkaas ku maqan yahay. Mudo gaaban kaddib ayaa maydka wiilka 5-jirka ah oo mudo ku jiray xaga dambe ee gaarigeeda ku jiray laga helay.

Wiilka 5-jirka ah ee maydkiisa laga helay gaariga hooyadiis Sagal A. Hussein ayaa mudo dhowr bilood ah la’laa. Gabadhan ama hooyadan Soomaaliyeed ayaa xabsi ku jirta, waxaana laga xukumay in ay bixiso lacag $500,000 oo damaanad qaad ah haddii ay rabto in ay banaanka joogto inta ay dacwadeedu bilaabanayso.

Ciidanka sheriff-ka degmadda ay gabadhani degen tahay ayaa arrinta ogaaday, bilaabayna in ay baaritaan ku sameeyaan Jan. 26, 2020, kadib markii ay dariska xaafada degen ay ciidanka booliiska la xiriireen.

Trending

Exit mobile version