Wararka Soomaalida
In ku dhow 20 dagaalyahan iyo Amiiro oo lagu dilay Jubbada hoose
Weerar qorshaysan oo ay qaadeen Ciidanka xoogga dalka qeybtooda ka howlgasha Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dileen howlgalkaasi in ku dhow 20 Al shabaab ka tirsanaa oo ay ku jiraan rag sar sare oo Amiiro ahaa xubno firfircoon oo darajooyin sare ah ka hayay Al shabaab dhaxdooda sida wararka nagu soo gaareen.
War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Ciidanka Militeriga Soomaaliya Guutada 11-aad Qeybta 43-aad howlgal ay ka fuliyeen agagaarka Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose gaar ahaan duleedka Baarsanguuni iyo deegaanka Kaban oo hoos taga degmada Jamaame ay ku dileen 15 dagaalyahan iyo Amiiradoodii ka dib markii Ciidamada Militeriga Soomaaliya oo howlgal ku jiray fooda ay isdareen.
Dhaawaca dagaalyahanada kooxda Al shabaab ee weerarkaas ka soo gaaray ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan 8 dagaalyahan oo ay ku jiraan rag jagooyin sar sare ka haya kooxda Al shabaab sida warka ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu sheegay.
Howlgalkaasi lagu dilay dagaalyahanada 15 gaaraya iyo dhaawwca 8 sideed kale isla markaana ay ku jiraan Amiiro ayaa yimid ka dib markii taliska ciidanka Militeriga Soomaaliya Guutada 11-aad Qeybta 43-aad ay ka war heleen war sheegaya in koox ka tirsan Al shabaab weerar ku soo yihiin Saldhiga Ciidanka Soomaaliya ay ku leeyihiin meel sidaas ugu fogayn degmada Jamaame ka dibna Ciidanka Militeriga weerar ay kala hortageen kooxdii Al shabaabka ahaa ee duulaanka ku soo ahaa Saldhiga Ciidanka Militeriga Soomaaliya qeybta 43-aad ay ku leeyihiin Jubbada hoose sida lagu xusay warkan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.
Warkan caawa ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan in Ciidanka Militeriga Guutada 11-aad qeybta 43-aad howlgal ciidan ay ku dileen 15 dagaalyahan oo ay ku jiraan Amiiro ayaa waxaa wali ka hadlin kooxda Al shabaab.