Local News
Isku dhac dhexmaray Booliiska Minneapolis iyo shicib mudaharaadayey
Waxaa magaaladda Minneapolis maanta ka dhacay isku dhac dhexmaray dad shicib ah oo mudaharaad iyo banaanbax samaynayey iyo ciidanka booliiska magaaladda Minneapolis.
Dad weyne aad u tiro baddan oo ka xanaaqay dil loo geystay George Floyd oo shalay booliiska magaaladda Minneapolis ay dileen. Afar kamid ah ciidanka Booliiska Minneapolis ayaa Isniintii May 25, 2020 dil ugu geystay George Floyd oo ahaa madowga u dhashay dalka Mareykanka.
Isku dhaca dhexmaray booliiska iyo dadweynaha mudaharaadayey ayaa sababay in la jajabiyo qaar kamid ah baabuurta ciidanka booliiska iyo daaqadaha dhismaha isteeshinka booliiska. Booliiska ayaa dadweynaha u adeegsadday suntan gaaska ah ee dadka ka ilmeysiisa.
Qaar kamid ah dadweynaha mudaharaadayey ayaa ka jawaab celiyay suntan lala beegsadday iyaga oo dhagaxaan jawaab celin ah ku tuuray booliiska.
Dadweyanaha banaanbaxa sameeyay ayaa qaar kamid ahi ay wateen boodhadh iyo warqado ay ku qoran yihiin, “Ma Neefsan Karo”, “Cadaalad ayaan u rabnaa George Floyd”, “Nolosha Dadka Madoow Qiimo ayeey leedahay”, “Dadka Madoow Nolashoodu waa muhiim”, “Booliisku waa burcad” iyo oraahyo kale oo baddan.
Sidoo kale dadweynaha mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay kamid yihiin, “Cadaalad daro, waa nabad daro”, “Booliisku waa cadawga koobaad ee dadka madoow”, “Ma neefsan karo”.
George Floyd ayaa waxaa isaga oo xiran, gacmahana ka jeebaysan qoorta uga istaagay oo jilibkiisa ku cadaadiyay askari kamid ah ciidanka booliiska magaaladda Minneapolis halka 2 askari oo kale ay luga hayeen George Floyd, kaddibna neeftii ay ku dhegtay, isaga oo sababtaas u dhintay.
Muqaal video ah oo ay dad shicib ahi duubeen ayaa waxaa ka muuqda George Floyd oo ay neeftu dhibayso kana codsanaya askariga qoortiisa jilibka ku haya, kuna cadaadinaya in ay neeftu ku dhegen tahay oo uuna neefsan karin.
Dilka George Floyd loo geystay ee ula kaca ah ayaa aad loo hadal hayaa dhamaan baraha bulshadda. Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa aad u faafinaysa, waxna uga qortay dilkan arxan darada ah. Isku dhacan ka dhashay mudaharaadka cadaalada loogu raadinayo George Floyd ayaa la filayaa in ay sii socdaan ilaa la xiro askartii dishay George Floyd.
Taliyaha Ciidanka Booliska Minneapolis Medaria Arradondo ayaa maanta shaqada ka cayriyey afartii (4) askari ee ku lug lahaa dilka George Floyd. Balse shicibka magallada Minneapolis ayaa doonaya in askarta dilka geystay la xiro, dacwadna lagu soo oogo.
Waxaa bilowday baaritaan la xiriira dilka George Floyd, waxaana baaritaanka samayna waaxda baaritaanka dambiyadda ee gobolka Minnesota iyo FBI-da.