Wararka Soomaalida
James Swan iyo shariif oo kulan wada qaatay
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah Xisbigiisa Himilo Qaran ayaa maanta kulan dheer la qaatay wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan waxayna ka wada hadleen arimaha siyaasada ee Soomaaliya.
James Swan ayaa waxaa uu waydiiyay shariif iyo xubnaha Xisbigiisa sababta ku ka lifaysa inay aadaan Kismaayo iyo waxa kaga xiran wuxuuna sheegay shariif inay Kismaayo ay u,aadayaan arimo la xiriira xalinta khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Axmed Madoobe sidoo kale ay ka qayb galayaan Caleema saakiisa.
“Waxaan kulan gaar ah la qaadannay aniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran Madaxa howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb James Swan,waxaan ka wada hadalnay caqabadaha siyaasadeed ee jira iyo aragtida xisbiga Himilo Qaran ee ah sarreynta sharciga, Soomaaliya oo is wadata,wadatashata, gacmahana isku qabsata sidii dalka loo horumarin lahaa,waxaan kaloon uga mahad celinnay Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ee caalamka taageerada ay siiyaan dalkeenna”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.