Wararka Soomaalida
Jannaraal Thomas Waldhauser oo u goodiyey Al shabaab
Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee qaaradda Africa ee Africom Jannaraal Thomas Waldhauser oo maanta soo saaray war ku saabsan dagaalka xagga duqeynta ah ee ay ku hayaan kooxda Al shabaab ee Soomaaliya in ay xoojinayaan. Taliyahan dowladda Maraykan uqaabilsan qaaradda Africa Jannaraal Thomas Waldhauser ayaa waxaa kaloo intaas dheer oo uu sheegay in duqeymaha dhanka cirka […]
Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee qaaradda Africa ee Africom Jannaraal Thomas Waldhauser oo maanta soo saaray war ku saabsan dagaalka xagga duqeynta ah ee ay ku hayaan kooxda Al shabaab ee Soomaaliya in ay xoojinayaan.
Taliyahan dowladda Maraykan uqaabilsan qaaradda Africa Jannaraal Thomas Waldhauser ayaa waxaa kaloo intaas dheer oo uu sheegay in duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya ee ay ku hayaan Al shabaab ay labajibaarayaan wax hakad ah oo ku imaanaya hakinta duqeymahaas aaney jirin.
“Ciidamada Maraykanka way sii wadi doonaan iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab” ayuu hadlkiisa sii raaciyay taliyaha ugu sareeyo ciidamada Maraykanka ee hawlgalka AFRICOM.
Thomas Waldhauser ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay gudiga Senetarada Mareykanka u qaabilsan difaaca isagoo u sheegay in weerarada dhanka cirka ah ee Al Shabaab ku qaadaan aysan ka dhigneyn inay ka adkaadeen balse ay tahay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed laga caawiyo sidii ay masuuliyada amaanka ula wareegi lahaayeen.
Maraykanka ayaa sanadihii ugu danbeeyay kordhiyay weerarda dhanka cirka ah ee Al Shabaab uu ku baacsado kuwaasoo lagu dilay boqolaal dagaalyahan oo kooxdaas ka tirsan sanadihii la soo dhaafay.