Wararka Soomaalida
Jawaabtii Madaxda Soomaaliya ee Kenya oo baraha bulshada looga hadlay
Tan iyo markii War-Saxaafadeedka uu ka soo baxay dowladda Kenya ee ku saabsanaa in Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya lagu amray in Muqdisho uu aado Kenyana Safiirkeedii Soomaaliya wada tashi ugu uyeertay ayaa waxaa la,isla dhex marayey guux ku aadan qaabka Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu fal celinayaan arrinta taagan. Qaar ka mid ah […]
Tan iyo markii War-Saxaafadeedka uu ka soo baxay dowladda Kenya ee ku saabsanaa in Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya lagu amray in Muqdisho uu aado Kenyana Safiirkeedii Soomaaliya wada tashi ugu uyeertay ayaa waxaa la,isla dhex marayey guux ku aadan qaabka Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu fal celinayaan arrinta taagan.
Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa qabay walaac xoogleh oo ku aadan in xiriirka loo jari doono Kenya halka qaarna ay ula muuqatay in si degan oo dublamaasi ah ay ugu jawaabi doonaan Madaxda Soomaaliya arrinta Kenya.
Waxaa si aad ah loogu hamuun qabay jawaabta ka imaan doonta Dowladda federaalka Soomaaliya in mar un ay arkaan waxaana baraha bulshada la isku dhaafsanayey rayiyo kala duwan.
Caawa markii uu soo baxay Warkii dowladda Soomaaliya ugu jawaabaysay war qadii Kenya ayaa waxaa dhamaan umadda Soomaaliyeed inta isticmaasha baraha bulshada ka soo fuqday Neef ku dheganeed.
Waxaa amaan iyo bogaadinba lagu wada qoray baraha bulshada ay ku wada hadlaan sida Facebook iyo twitter iyadoo Amaan iyo bogaadin loo kala harin loo diray Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii shacabkan ay ku qanceen qaabka ugu jawaabeen Warkii Kenya Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.