Wararka Soomaalida

Kenya oo ku dhawaaqday mowqifka ICJ siday kayeeli doonaan

Dowladda Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday inaysan ogolaan doonin islamarkaana ixtiraami doonin go’aan kasta oo ka yimaado maxkamadda caalamiga ah ee ICJ kaasoo ku saabsan muranka badda ee Soomaaliya kala dhexeeya Kenya sida lagu cadeeyey dokumenti qarsoodi ah oo uu helay wargeyska The Standard ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Go’aankan Kenya […]

Published

on

Dowladda Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday inaysan ogolaan doonin islamarkaana ixtiraami doonin go’aan kasta oo ka yimaado maxkamadda caalamiga ah ee ICJ kaasoo ku saabsan muranka badda ee Soomaaliya kala dhexeeya Kenya sida lagu cadeeyey dokumenti qarsoodi ah oo uu helay wargeyska The Standard ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Go’aankan Kenya ay ku cadeysay Mowqifkeeda ee muranka badda ayaa u muuqda mid lagu rumeysan karo in Kenya looga adkaan doono dacwada dhax taala Soomaaliya iyo Kenya.

Sida uu ku cad yahay dokumentigan sida qarsoodida ah lagu helay ayaa wuxuu sheegayaa in Kenya ay dooneyso in ka hor inta kiiska badda Soomaaliya aysan go’aamin Maxkamadda caalamiga ah ee cadaalladda ee ICJ ay labada dhinac maraan marino kale oo ay ku xaliyaan murankooda badda.

Kenya ayaa dalbaneysa in marka hore Soomaaliya iyo Kenya uu dhex-dhexaadiyo ururka Bariga Afrika ee EAC (East Africa Community), kadibna haddii wada,hadaladaas xal lagu gaari waayo ay mar labaad yeeshaan wada,hadalo uu dhex dhexaadiye uu ka ahaado ururka Midowga Afrika markaas kadib loo gudbo Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in Soomaaliya ay marka hore qasab ku tahay inay ka quusato dhamaan Talaabooyinka kale ee furan ka hor inta kiiska aysan guda,galin Maxkamadda ICJ iyadoo Kenya ay ku eedeysay inay dhinac u janjeerto una xaglineyso Soomaaliya.

“Maxaysan Soomaaliya xal uga raadin Midowga Afrika,miyaanay IGAD u furneyn Soomaaliya inay kiiskeeda u gudbiso,kawaran ururka EAC”ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Kenya ay sida qarsoodiga ah u diyaarisay balse qoraalkaas Saxaafadda udusay.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ku dooday in ururka QM ee badaha (UNCLOS) uu dalbanayo in dhinacyada ishaya marka hore isku dayaan inay murankooda ku xaliyaan qaab kale oo ka duwan kan hadda taagan ka hor inta aysan u gudbin Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Dowladda Kenya ayaa waxay walaac xoogleh ka qabtay in dacwada muranka badda looga guuleysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version