Wararka Soomaalida
Kenya oo sheegtay in Kiiska Badda xal ka gaarayaan iyaga iyo Soomaaliya
Ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kulan dheer maanta ay ku yeesheen magaalada Nairobi ka dibna shir jaraa’id oo wadajir ah ay ku wada qabteen magaaladaas ayaa waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo xiriirkii xagga Diplomacy-ga ahaa ee ka dhexeeyay labada wadan Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale labada Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa isku afgartay in dib loo soo nooleeyo duulimaadkii tooska ahaa ee Nairobi iyo Muqdisho iyadoo Rakaabka aan la marsiin garoonka wajeer oo toos utagaan magaalada Nairobi garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ayaa islameel dhigay in labada shacab si toos ah isu dhaxmaraan oo kala xirnaashaha laga qaado iyo in labada dowladood iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada sida Al shabaab iyo Daacish.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dib loo soo celiyay wax saamayn ah ku yeelan doonin arimaha Kiiska Badda ee dacwada taala Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ.
Haddaba markii shirkaas uu soo dhamaaday ka dib ayaa wasiirka arimaha dibadda ee Kenya haweenayda lagu magacaabo Monica Juma waxay Twitterkeeda soo dhigtay qoraal ay ku sheegtay in dacwada taala Maxkamada ICJ qaab labada dhinac wada ogolyihiin ama raali iskiiga yihiin lagu xalinayo.
Monica Juma ayaa sidoo kale waxay tilmaantay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo u muujiyay kalsoonidiisa ah in arrinta ICJ lagu xallin doono qaab labada dhinac ay wada aqbali karaan.
Haddaba hadalkan ka soo yeeray wasiirka arimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta shirkii Jaraa’id ee ay wada qabteen ku cadeeyay in wax saamayn ah ku lahayn shirkooda arimaha Badda.