Wararka Soomaalida

Kenya oo Visaha dal ku galka udiiday qaar ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya

Warar caawa soo baxay ayaa sheegaya in maanta qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo safar ku aaday dalka Kenya loodiiday in loogu dhufto ama loo saaro Visa-ha dal ku galka Kenya iyadoo ay wateen Baasaboorka Soomaaliya ka dib markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi. Warku […]

Published

on

Warar caawa soo baxay ayaa sheegaya in maanta qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo safar ku aaday dalka Kenya loodiiday in loogu dhufto ama loo saaro Visa-ha dal ku galka Kenya iyadoo ay wateen Baasaboorka Soomaaliya ka dib markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Warku wuxuu intaas ku darayaa markii arintii adkaatay ka dib qaar ka mid ah xubnaha Golaha shacabka oo watay Baasaboorada dalalka Yurub iyo Canada ay la soo baxeen Baasaboorada wadamadaas iyadoo markiibdambe loo ogolaaday in loo saaro Visa-ha dal ku galka sidaasna ay gudaha magaalada Nairobi ugu gudbeen.

Wasiirka Qorsheynta  mudaneJamaal Xasan iyo marwa Fowsiya ayaa waxay la soo baxeen sharciga dalalka Canada iyo talyaaniga oo ay Heestaan ka dibna loogu dhuftay Visa-ha.

La taliyaha Madaxweynaha soomaaliya ee dhanka amniga Cabdi Saciid ayaa isna la soo baxay Baasaboorka Holand.

Laba xubnood oo ka tirsan aqalka Sare oo kala ah Mr Ilyaan iyo Marwo Zamzam ayaa ku xayiran madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta iyadoo la filayo in Baritto ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee diidmada Kenya ee Baasaboorka Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta baarlamaanka soomaaliya ay ansixiyeen sharciga Shidaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version