Community

Khad Taleefan oo macluumaadka COVID-19 gaar u ah oo la soo saaray

Published

on

Ha’yadda Briva Health ayaa maanta soo saartay khad taleefan ah oo ay bulshadda Soomaaliyeed ka heli karto macluumaadka cudurka faafa ee Coronavirus (COVID-19).

Hodan Guled oo ah hoyaamiyaha ha’yadda Briva Health oo ah ha’yad qabata adeegyadda caafimaadka oo ku taala magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa wargeyska Tusmo Times u sheegtay in markii ay arkeen in bulshadda Soomaaliyeed ay jawaab sax ah u raadinayaan su’aalo la xiriira cudurka Covid-19 ay ha’yadda Briva Health iyo maamulkeedu sameeyeen meel ay dadka Soomaaliyeed ka heli karaan macluumaad sax iyaga oo weliba Afkooda Hooyo ku helaya akhbaar sax ah.

Khadka Taleefanka ee macluumaadka COVID-19 ayaa ah: 1833-KOROONA ama 1833-567-6662. Dad weynaha ayaa soo wici kara taleefanka mar walba. Khadkan taleefanka ayaa ah mid furan 24-saacadood. Waxaana laga helayaa jawaabo iyo macluumaad la xiriira cudurka COVID-19.

Macluumaadka laga helayo khadkan taleefanka ayaa ah macluumaad ay diyaariyeen Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (CDC) iyo Waaxda Caafimaadka ee gobolka Minnesota (MDH). Maamulka iyo shaqaalaha Ha’yadda Briva Health ayaa sidii uu u bilowday cudurka Coronavirus iyagu waday olole iyo dadaalo lagu wacyigelinayo bulshadda Soomaaliyeed.

Trending

Exit mobile version