Wararka Soomaalida
Khasaaraha Soomaalida weerarkii New Zealand oo sii kordhay
Waxaa marba marka ka sii dambeeya isasoo taraya khasaaraha dadka Soomaalida ah ka soo gaaray weerarkii ka dhacay maanta labada Masaajid ee ku yaala Magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ka dib markii nin hubaysan uu laayey dad muslimiin ah oo masaajidaas ku dukanayey saalada Jimcaha. Inta la xaqiijiyey Soomaalida ku geeriyooday weerarkaas ayaa waxay […]
Waxaa marba marka ka sii dambeeya isasoo taraya khasaaraha dadka Soomaalida ah ka soo gaaray weerarkii ka dhacay maanta labada Masaajid ee ku yaala Magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ka dib markii nin hubaysan uu laayey dad muslimiin ah oo masaajidaas ku dukanayey saalada Jimcaha.
Inta la xaqiijiyey Soomaalida ku geeriyooday weerarkaas ayaa waxay gaarayaan 3 ruux oo caruur xataa ay ku jiraan.
Waxaana ka mid ah dadka Soomaalida ah ee weerarkaas lagu dilay.
1-Sheekh Nuur Muuse Cawaale oo ahaa Macalin dugsi Qur’aan.
2-Sheekh Cabduqaadir dhaqane oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaaladdii Biyaha Xamar xiligii dowladdii Milatariga ee Soomaaliya.
3-iyo Cabdulaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil yar da’diisana ahayd 6-sano lana socday aabihiis oo weerarkan ka badbaaday.
Sawirkan hoose ee idiin muuqada waa Aabe Aadan Diiriye oo xambaarsan meydka wiilkiisa 6 sano jirka ah ee weerarkaas ugu geeriyooday.