Wararka Soomaalida
Khayre iyo Saraakiil cadaan ah oo shir ku yeeshay Muqdisho+Sawiro
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Muqdisho kulan dheer kula qaatay Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Afrika Marine Corps,Gen.Thomas D. Waldhauser,Taliyaha Ciidamada Mareykanka,Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ka dib markii Waldhauser Taliyaha sare ee Africom booqasho ku yimid Magaalada muqdisho bishan June 11, 2019. Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo […]
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Muqdisho kulan dheer kula qaatay Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Afrika Marine Corps,Gen.Thomas D. Waldhauser,Taliyaha Ciidamada Mareykanka,Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ka dib markii Waldhauser Taliyaha sare ee Africom booqasho ku yimid Magaalada muqdisho bishan June 11, 2019.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo mas,uuliyiintan ayaa waxay ka wadahadleen arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen xaalada amaan ee Soomaaliya iyo howlgalada Maraykanka uu ka wado Soomaaliya iyo sidoo kale taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dejiyo xaaladaha looga baahan yahay amniga iyo xasilloonida joogtada ah ee Soomaaliya.
“Mareykanka Caawintiisa ayaa waxay tahay amniga Soomaaliya taasoo ah qayb muhiim ah dadaalkeena oo ah in aan la shaqeyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliya islamarkaana xasillooni buuxda ay helaan shacabka Soomaaliyeed nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya waxay ka dhigan tahay xasillooni dheeraad ah oo gobolka oo dhan ah,waxay sidoo kale ka dhigan tahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeeshaan inay diiradda saaraan sidii loo dhisi lahaa mustaqbal barwaaqo ah”ayuu yiri Yamamoto.
Saraakiisha Maraykanka ah ee lakulmay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ayaa sheegay in hoggaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku talaabsadeen horumar iyadoo hadda la arkayo kororka la gaaray iyo guulaha ammaanka ay ka gaareen sidoo horumarka siyaasadda ee sanadihii la soo dhaafay ay ka gaareen Madaxda Soomaaliya sida ay sheegeen Saraakiisha Maraykanka ah.
Mar shirka lagu soo hadal qaaday deegaanada wali aan gaarin Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Saraakiisha Maraykanka ah waxay sheegeen in Ciidamada nabadgelyada Qaranka Soomaaliya ay sii wadi doonaan in ay horumarin ka sameeyaan deegaanada ay maamulaan kooxaha argagixisada ah Saraakiisha howlgalkan hoggaaminaysa howlaha Soomaaliya in ay ogaadaan in lagamaar maarmaan tahay in la hormariyo ujeedooyinka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay sii wadaan cadaadiska Al shabaab si looga adkaado.