Wararka Soomaalida

Kooxda kubadda cagta ee As Roma oo ka hadashay Qaraxii Excontrol Afgooye

Published

on

Iyadoo dhinacyo badan ay wada cambaareeyeen qaraxii xoogga badnaa ee saaka ka dhacay Isgoyska Excontrol Afgooye ee Muqdisho isla markaana sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa waxaa dhankooda war ka soo saaray kooxda kubadda Cagta ee dalka Talyaaniga ka dhisan ee As Roma.

Kooda ayaa sheegtay in ay ka xun yihiin dhibaatada soo gaartay bulshada ee leh dhimashada iyo dhaawaca waxayna intaas hadalkooda ku dareen in Aragtida qof walba oo AS Roma ah uu garab taagan yahay dhamaan dadkii ay saameysay weerarkii argagixiso ee naxdinta badnaa ee maanta ka dhacay Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

“Aragtida qof walba oo AS Roma ah wuxuu la jiraa dhamaan dadkii ay saameysay weerarkii argagixiso ee naxdinta badnaa ee maanta ka dhacay Muqdishu Soomaaliya”ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Kooxda kubadda cagta ee As Roma.

Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa wuxuu ahaa mid qof walba oo damiir bini’danimo ku jirta dhiigiisa dhaqaajisay ka dib meydadka iyo dhaawacyada uu sababay qaraxaasi aadka uxoogganaa ee lala beegsaday dadka maatada ah ee Siyaasadda ka madaxbanaan.

Trending

Exit mobile version