Wararka Soomaalida

Kornayl Caare oo wadahadal ubilowday

Hogaamiyaha Jabhadda dib uxoraynta deegaanada Maamulka Soomaaliland Kornayl Siciid Caare oo maalmahanba dagaal xooggan kula jiray Ciidanka Maamulka Soomaaliland ayaa hadda waxaa wadahadal usocdaa Kornaylka iyo ergo ka socota Maamulka Soomaaliland ka dib dagaalkii adkaa ee dhowaan ka dhacay deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag ee Soomaaliland una dhexeeyay Jabhadda Kornayl Siciid Caare iyo kuwa […]

Published

on

Hogaamiyaha Jabhadda dib uxoraynta deegaanada Maamulka Soomaaliland Kornayl Siciid Caare oo maalmahanba dagaal xooggan kula jiray Ciidanka Maamulka Soomaaliland ayaa hadda waxaa wadahadal usocdaa Kornaylka iyo ergo ka socota Maamulka Soomaaliland ka dib dagaalkii adkaa ee dhowaan ka dhacay deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag ee Soomaaliland una dhexeeyay Jabhadda Kornayl Siciid Caare iyo kuwa Maamulka Soomaaliland.

Ka hor ergayadan utagtay Kornayl Caare ayaa waxaa kaga horeeyay Odayaal dhaqameed ka soo jeeda Gobolka Sanaag oo la fariistay Siciid Caare ka dibna wadahadal la furay iyagoo ka wada hadlay in dagaalka ay wadaan Jabhadda Kornaylka uu hogaaminayo iyo kuwa Maamulka Soomaaliland ay joojiyaan dagaalka ka dibna la wadahadlo islamarkaana wax walba lagu dhameeyo wadahadal.

Maanta duleedka degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa gaaray ergo ka socota xafiiska Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ka dibna la kulmay Kornayl Caare iyo Odayaashii horay ula kulmay Kornaylka waxaana ka wada hadlayaan sidii loo joojin lahaa dagaalka uu wado Kornayl Siciid Caare.

Wararka Wargayska Tusmotimes uu ka helayo wadahadalada ubilowday Maamulka Soomaaliland iyo Kornayl Siciid Caare ayaa sheegaya inuu ku saabsan yahay sidii dib loogu soo celin lahaa Kornaylka maamulka Soomaaliland wax allaale wixii tabasho ah ee uu qabana sida uu doonayo loogu dhamayn lahaa si loo baajiyo dhiiga daadanaya bulshada ku nool Gobolka Sanaagna ay ugu noolaadaan cabsi la,aan

 

Dagaalkii maalmihii la soo dhaafay Kornayl Siciid Caare uu kula jiray Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu kaga qabsaday dhulbadan oo ka mid ah Gobolka Snaag iyadoo dagaaladaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in dhimashada iyo dhaawaca ay ubadan yihiin Ciidamada Maamulka Soomaaliland ka soo gaaray dagaalkaas.

Hadda ayaa waxaa ubilowday Kornayl Caare iyo Maamulka Soomaaliland wadahadal lagu dhamaynayo tabashada Kornayl Caare ee madaxda Maamulka Soomaaliland uu ka qabo.

Kornayl Siciid Caare iyo Jabhadda uu hogaaminayo ayaa deegaan ahaan waxay ka soo jeedaan Gobolka Sanaag.

Kornayl Caare ayaa horay ugu mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Maamulka Soomaaliland iyadoo cabasho jirta awgeed ka goostay Soomaaliland ka dibna ku biiray Maamulka Puntland  iyadoo maalmo ka dib dagaal uu ku soo qaaday Ceerigaabo iyo deegaano kale oo ka mid ah Gobolka Sanaag halkaas uu ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version