Wararka Soomaalida

Kulan Deg Deg ah kuna saabsan Imtaaxaanaadka oo ka socda Muqdisho

Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa caawa waxaa kulan deg deg ah ku leh Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo bahda daladaha Waxbarashada Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa looga arinsanayaa go,aankii wasiir Goodax ee Imtixaanaadka lagu joojiyey iyo caradii ardayda ee tallaabadaas maanta ka dhalatay wixii laga yeeli lahaa. […]

Published

on

Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa caawa waxaa kulan deg deg ah ku leh Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo bahda daladaha Waxbarashada Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa looga arinsanayaa go,aankii wasiir Goodax ee Imtixaanaadka lagu joojiyey iyo caradii ardayda ee tallaabadaas maanta ka dhalatay wixii laga yeeli lahaa.

Mas,uuliyiintan ku shiraya Muqdusho ayaa waxay islajaan goynayaan xiliga rasmiga ah ee Imtixaanaadka lagelayo iyo qaabka looga jawaabayo falcelintii maanta ee ardayda ay ka falceliyeen joojintii Imtixaanka.

Dibadbaxyo looga soo hor jeeday tallaabadii uu ku joojiyey xalay Imtixaanaadkii lagalay wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa maanta wuxuu ka dhacay Muqdisho,Jowhar iyo Kismaayo iyadoo sidoo kale war ka soo baxay dhinaca Magaalada Baydhabo oo la xiriira cabashada joojinta Imtixaanka.

 

Iyadoo ardayda siweyn ugu caroodeen Imtixaan joojintii xalay uu ku dhawaaqay wasiir Cabdulaahi Goodax Barre ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo burbur Handiyadeed meelaha qaar sidoo kale sababay dhaawac labo arday meelaha qaar sida aan wararka ku helnay.

Wixii ku soo kordha kulankan hadda loo fadhiyo ee go,aanka kama dambaysta ah ee looga gaarayo arimahaas kala soco insha,allah Wargayska Tusmotimes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version