Wararka Soomaalida

Lafta Gareen iyo Ben fender oo dhowr arimood ka wada hadlay+Sawiro

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ambassador Ben fender iyo wafdi uu horboodayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u,ah Maamulka Koonfur Galbeed waxaana Garoonka Shaati Guduud Airport ee Baydhabo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),Wasiiro,Saraakiisha AMISOM qaybta Itoobiya iyo Xildhibaano. Wafdiga Safiirka ayaa waxaa markii dambe loo soo […]

Published

on

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ambassador Ben fender iyo wafdi uu horboodayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u,ah Maamulka Koonfur Galbeed waxaana Garoonka Shaati Guduud Airport ee Baydhabo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),Wasiiro,Saraakiisha AMISOM qaybta Itoobiya iyo Xildhibaano.

Wafdiga Safiirka ayaa waxaa markii dambe loo soo galbiyey Madaxtooyada Maamulkaas ee Magaalada Baydhabo halkaasoo kulan dheer oo dhawr qodob ka kooban ku wada yeesheen Lafta Gareen iyo Ben fender.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa warbixin ka siiyey wafdiga uu horkacayo Ben fender xaalada deegaanada Maamulkaas dhinaca amaanka iyo nolosha bulshada reer Koonfur Galbeed.

Danjire Ben fender ayaa dhankiisa usharaxay Madaxweynaha ujeedkooda Baydhabo iyo wax qabadka Dowladda UK ee Maamulada kajira Soomaaliya ee hoos yimaada Dowladda federaalka Soomaaliya kaalinta caawinaad ah ee Ingiriiska uu ka gaysanayo deegaanada Maamulada Soomaaliya.

Ben fender ayaa ugu mahadceliyey Madaxweyne Lafta Gareen iyo Maamulkiisa sida wanaaga leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Madaxtooyada Baydhabo wuxuuna sheegay Safiirka UK inay ka caawinayaan Koonfur Galbeed arimaha dhaqaalaha,amaanka Tababarada,Ciidamada iyo wax ka qabashada xaalada Bini,aadanimo ee Gobolada Maamulka Koonfur Galbeed uu ka aramiyo ka jirta.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa umahadceliyey Danjiraha Ingiriiska Ben fender sida sharafta leh ee balanqaadka wanaagsan ugu sameeyey iyo garab istaaga Maamulka Madaxweynaha uu ka yahay.

Kulanka ka dib ayaa waxaa Saxaafadda si wadajir ah ulahadlay Safiirka Ingiriiska Ben fender iyo Lafta Gareen waxayna sharaxaad ka bixiyeen arimihii shirkooda ku faaqideen.

“Waxaa maanta Xarunta Kumeel Gaarka ah ee KGS igu soo boqday Safirka Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminaayo waxaan kawada hadalney siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, Amniga, Gargaarka iyo Arimaha Barakacayaasha sidii loogu heli lahaa Xal waaro”ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

intaas ka dib waxaa hadalka qaatay Ben fender Danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ufadhiya wuxuuna sheegay in Magaalada Baydhabo safar shaqo ay ku gaareen si wanaagsana loogu soo dhaweeyey oo soo dhaweyntaas wanaagsan ay kala kulmeen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed wasiiradiisa Saraakiisha iyo Xildhibaanada dhamaan soo dhaweyntooda maanta loo kala harin dhankoodana ay aad ugu farxeen wanaaggaas ee ay kala kulmeen Magaalada Baydhabo.

Safiirka ayaa intaas raaciyey hadalkiisa in Lafta Gareen ay wada yeesheen shir dheer iyagoo ka wada hadlay arimaha Siyaasadda Soomaaliya amniga dhaqaalaha horumarinta bulshada kunool deegaanada Koonfur Galbeed Tababarada Ciidamada iyo wax ka qabashada xaaladaha Bini,aadanimo ee deegaanka.

“Waxaan maanta soo gaarnay aniga iyo wafdi aan horkacayo Magaalada Baydhabo si fiican oo farad ku dheehan tahay ayaa naloo soo dhaweeyey runtii looma kala harin soo dhaweynteena ka dib waxaan shir wada galnay aniga iyo Wafdigayga oo dhinac ah iyo Madaxweyne Cabdicasiis waxaana isla faaqidnay arimaha amniga deegaanada Koonfurta Gobolka arimaha Al shabaab iyo Tababarada Ciidamada in aan ka caawino inta karaankeena ah waxaa intaas dheer oo aan isla rogrognay wixii xaalad Bini,aadanimo ah ee ka taagan Koonfur Galbeed in aan kaalin ka gaysano”ayuu hadalkiisa ku soo xiray Danjiraha UK ee Soomaaliya Ben fender iyo wafdigiisa ee maanta gaaray Baydhabo.

Safiirka UK ee Soomaaliya ambassador Ben fender ayaa mudooyinkaanba safaro ku kala bixinayey deegaanada Maamulada kajira Soomaaliya xalay waxay ku hooy deen Magaalada Kismaayo ka dib markii dhawaan halkaas ay gaareen kulan kan la mid ahna ay la soo yeesheen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) horay waxay shir kula soo qaateen Magaalada Hargaysa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version