Wararka Soomaalida

Lafta Gareen oo lafaha ka garaacay Mucaaradka DFS

Published

on

Xalay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ka dhacday munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay xiligii xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed loo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed 19-kii bishii December sanadkii 2018-kii.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,ku xigeenkiisa koowaad Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey,qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xuluumadda federaalka Soomaaliya,badi Xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda ay tahay maamulka Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo ka hadlay munaasabada ayaa ka sheekeeyay wax qabadkiisii mudadii sanadka aheyd ee uu xilka uu hayo wuxuuna xusay in inta badan lagu guuleystay qorsheyaahii uu dejiyey maamulka uu Madaxweynaha ka yahay inta hartayna lagu guda jiro dhamaystirkooda wuxuuna u mahad celiyey shacabka Koonfur Galbeed oo uu muujiyey taageero iyo wada shaqeyn hufan.

Intaas ka dib Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradsan Dowladda federaalka Soomaaliya wuxuuna ku eedeeyay mucaaradka in hal haleys ay ka dhigteen waxyaabo xaqiiqada ka fog sida falalkii ka dhacay Magaalada Baydhabo markii xabsiga la dhigay Mukhtaar Roobow iyagoo mucaaradka dhacdooyinkaas ku sheegay wixii ka dhacay Baydhabo inay ahaayeen wuxuuna lafta gareen uu sheegay in mucaaradka ka been sheegeen xaqiiqdii ka dhacday Baydhabo.

“Waxaa la yaab leh in rag siyaasiyiin mucaarad ah sheeganaya inay yihiin habeen iyo maallin ku cel-celiyaan waxyaabo been abuur ah sida xasuuq ka dhacay Baydhabo iyo waxyaabo ka siixun iyagoo aan imaanin meesha ay ka waramayaan isla markaana aan fahamsaneyn xasuuq waxa loola jeedo waa unasiib xumo aad iyo aad uweyn”ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa wuxuu intaas ku daray in maamulkiisa uusan u dulqaadan doonin wixii hadda ka dambeeya waxyaabaha been abuurka ah ee siyaasiyiinta mucaaradka ay caadeysteen iney ka sheegaan Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay iney midoobaan isla markaana meel uga soo wada jeestaan cid walba oo danaha Koonfur Galbeed ka hor imaanaya isla markaana dheg jalaq u siinin Siyaasiyiin daneystayaasha ah oo aan ka shaqeyneynin danta ummada Soomaaliyeed sidoo kale ay ku dadaalaan sidii ay u horumarin lahayeen degaanadooda.

Trending

Exit mobile version