Wararka Soomaalida

Luga dheere oo Luuq iyo Baardheere Gudoomiyaashii xilalka ka qaaday

Published

on

Digreeto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland ahna ku sumaha Madaxweynaha Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga dheere) ayaa xilka laga qaaday qaar kamid ah gudoomiyaasha Gobolka Gedo halka xilalkaas loo magacaabay mas’uuliyiin cusub.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Luga dheere ayaa waxaa xilkii Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo laga qaaday Cismaan Xaaji Nuur waxaa lagu badalay Maxamed Xuseen Cismaan inuu noqdo Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo.

Maxamed Cabdullaahi Gardhuub ayaa waxaa laga qaaday xilka Gudoomiyaha degmada Luuq waxaana lagu badaley Bishaar Aadan Cabdikariim Gudoomiyaha cusub ee degmada Luuq.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxaday Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdiwaadir Xaaji Maxamuud (Luga dheere) ayaa waxaa xilkii Gudoomiyaha degmada Baardheere loogu qaaday Cabdullaahi Nuur Xasan waxaana lagu badaley Ismaaciil Cabdi Qorax Gudoomiyaha cusub ee degmada Baardheere.

Gudoomiyaasha xilalka uu ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Luga dheere ayaa hadda waxay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ka dib markii Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya uyeertay waxayna toos u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaashan hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay 15 maalmood ku maqnaayeen Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyagoo markii dib ugu soo laabtay degmooyinka Luuq iyo Baardheere ku dhawaaqay inay ka baxeen maamulka Jubbaland sidoo kale sheegay in toos u hoos tagaan kana amar qaataan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Su’aasha isweydiinta leh ayaa waxay tahay halkee ayay ka howl geli doonaan Gudoomiyaasha cusub ee Jubbaland degmooyinka Gedo usoo magacawaday iyadoo degmooyinkaas dhamaan ay ka howlgalaan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudoomiyaashii hore ee jubbaland io hadda la shaqeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya

Hoo ka akhriso war saxaafadeedka.

Trending

Exit mobile version