Wararka Soomaalida
Maamulka Jubbaland oo jawaab kulul siiyay dowladda dhexe(Akhriso)
Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Kismaayo Golaha wasiirada Jubbaland ayaa waxay kaga doodeen kulankooda arimaha doorashada ee dhamaadka bisha August ka dhici doonta magaalada Kismaayo iyo habka loo wajahayo. Sidoo kale Golaha wasiirada Maamulkaas ayaa si weyn uga hadlay faragin ay sheegeen inay ku hayso Dowladda federaalka Soomaaliya howlaha doorashada Jubbaland waxayna ugu baaqeen […]
Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Kismaayo Golaha wasiirada Jubbaland ayaa waxay kaga doodeen kulankooda arimaha doorashada ee dhamaadka bisha August ka dhici doonta magaalada Kismaayo iyo habka loo wajahayo.
Sidoo kale Golaha wasiirada Maamulkaas ayaa si weyn uga hadlay faragin ay sheegeen inay ku hayso Dowladda federaalka Soomaaliya howlaha doorashada Jubbaland waxayna ugu baaqeen Golaha wasiirada Jubbaland dowladda dhexe in faragelinta ay ka deyso arimaha doorashada.
Markii kulankooda uu soo dhamaaday Golaha wasiirada maamulka Jubbaland ayaa waxaa war saxaafadeed soo saaray wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaas wuxuuna ku goodiyay haddii Kismaayo uu yumaado mas,uul walba oo ka tirsan dowladda federaalka tallaabo ay ka qaadayaan.
Warkan ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Jubbaland ayaa wuxuu jawaab uyahay war shalay ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ee ku saabsanaa Liiskii Odyaasha dhaqanka ee dhowaan ay soo saareen gudiga Doorashada Jubbaland.
Wasaaradda arimaha Gudaha ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay galab waxaa laga soo saaray War-saxaafadeed laguna sheegay in Liiska Odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen guddiga doorashooyinka Jubbaland uusan waafaqsanayn Diiwaanka Wasaaradda arimaha Gudaha ee Beelaha iyadoo wasaaradda ka digtay in la guda galo soo xulida xildhibaanada Jubbaland.
Hase ahaatee qoraal jawaab ah oo ka soo baxay Wasaarada arimaha gudaha ee Jubbaland ayaa waxay ku sheegtay in Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda ayna mas,uul ka yihiin Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbaland.
Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha Jubbaland ayaa waxay cadaysay in Liiska Odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland.