Wararka Soomaalida

Maamulka Soomaaliland oo in kabadan 100 dhaqtar ka masaafurinaya deegaanadooda

War maanta ka soo baxay dhinaca Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay in deegaanadooda ka musaafurinayaan dhaqaatiir Ajaaniib ah oo ka howlgala Deegaanada Maamulka Soomaaliland muddo dheer ka shaqaynayey. Guddoomiyaha Ururka Xirfadleyaasha Caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Oday ayaa maanta Saxaafadda u sheegay in muddo bil gudaheed ah ay Soomaliland kaga musaafurinayaan dhaqaatiirta sharciga aan u heysanin […]

Published

on

War maanta ka soo baxay dhinaca Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay in deegaanadooda ka musaafurinayaan dhaqaatiir Ajaaniib ah oo ka howlgala Deegaanada Maamulka Soomaaliland muddo dheer ka shaqaynayey.

Guddoomiyaha Ururka Xirfadleyaasha Caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Oday ayaa maanta Saxaafadda u sheegay in muddo bil gudaheed ah ay Soomaliland kaga musaafurinayaan dhaqaatiirta sharciga aan u heysanin in ay ka shaqeeyaan Soomaliland iyo kuwa uu ka dhacay Muddada joogi taagan Soomaaliland.

“Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan ka codsanay in dalka laga saaro dhaqaatiirta sharci darada kaga shaqeeya Soomaliland ugu dambeyn way inoo saxiixeen in Soomaliland laga musaafuriyo dhaqaatiirtan ajaanibta ah ee gaaraya 113,waxaana ay heystaan muddo bil ah in ay Soomaliland kaga baxaan”yiri gudoomiyaha Xirfadleyaasha Caafimaadka ee Soomaaliland.

Masheegin Mas,uulkan dhaqaatiirtan ay ka masaafurinayaan Soomaaliland wadamada ay u kala dhasheen balse Soomaaliya waxaa ka howlgala dhaqaatiir farabadan oo aan la ogayn heerkooda aqooneed ee dhinaca Caafimaadka inta ay gaarsiisan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version