Wararka Soomaalida
Maamulkii Baydhabo oo xilalkii laga wadaqaaday
Gudoomiyihii iyo ku xigeenadiisii guud ahaan maamulkii magaalada Baydhabo ee arunta gobolka Baay ayaa maanta xilalkii laga wadaqaaday ka dib wareegto ka soo baxayday xafiiska wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed.
Wareegtadan ka soo baxayday wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed ee xilakii looga qaaday dhamaan maamulkii magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale lagu mahacaabay maamul cusub waxaana Gudoomiyaha magaalada Baydhabo loo magacaabay Xasan Macalin Axmed oo loo yaqaano (Biikalo).
Sidoo kale waxaa warqadan lagu magacaabay gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada magaalada Baydhabo waxaana loo magacaabay Isaaq Maxamed Cali halka gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda loo magacaabay Cabdifataax Cali Mursal.
Waxaa kaloo wareegtadan ka soo baxday wasiirka arimaha gudaha ee koonfur Galbeed lagu magacaabay Cabdiqaadir Cali Xasan oo loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halka Xoghayaha mamaulka magaalada Baydhabo loo magacaabay Mukhtaar Sharma,arkale Cali.