Wararka Soomaalida

Machadka Diblomaasiyadda Qaranka oo dib loo howl galiyay

Published

on

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dib udhis ku sameysay Machadka Diblomaasiyadda qaranka oo xaruntiisa ay tahay magaalada Muqdisho isla markaana ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Qarashaadka ku baxay dib idhiska Machadka Diblomaasiyadda qaranka ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa bixisay Dowlada Qatar sida aan ka soo xiganay ilo lagu kal soonaan karo oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Machadka Diblomaasiyadda qaranka ayaa waxaa lafuray sanadka markuu ahaa 1986-dii hasa yeeshee intii bur burka ka jiray Soomaaliya ayaa isagana dhulka lagudaray laakiin hadda dib boorka looga jafay.

Xarig jarka machadka ayaa lagu wadaa inay dhacdo 2-da bisha December oo beri ku aadan iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo waaya joog u ahaa kolkii la dhisayay Machadka ay ka qaybgeli doonaan sida aan wararka ku helnay.

Trending

Exit mobile version