Wararka Soomaalida

Madaxda ahlusunna oo ka badbaaday Qarax ismiidaamin ah+sawiro

Munaasabad maanta lagu qabtay Degmada Guraceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka qayb galay intabadan Madaxda Ahlusnna ee Gobolada dhexe waxaana Munaasabadaas lagu xusayay maalinta Ahlusunna ugu magacdareen Maalinta Shuhadaa. Maalintaas ahlusunnada xusaan ayaa waxay tahay xiligii Ciidamada Ahlusunna dagaal ay la galeen Al shabaab ugu dhinteen Ciidamo farabadan. Xili si habsabadii ka socotay hoolkii […]

Published

on

Munaasabad maanta lagu qabtay Degmada Guraceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka qayb galay intabadan Madaxda Ahlusnna ee Gobolada dhexe waxaana Munaasabadaas lagu xusayay maalinta Ahlusunna ugu magacdareen Maalinta Shuhadaa.

Maalintaas ahlusunnada xusaan ayaa waxay tahay xiligii Ciidamada Ahlusunna dagaal ay la galeen Al shabaab ugu dhinteen Ciidamo farabadan.

Xili si habsabadii ka socotay hoolkii lagu dhigayay Munaasabadaas Ahlusunna ayaa waxaa hoolka Munaasabada ka socotay soo galay nin dhalinyaro ah oo xirnaa Jaakadda la,isku qarxiyo.

Ninkan dhalinyarada ah oo ka soo gudbay dhowr Koontarool ayaa isku dayay inuu isku qaraxiyo madaxda Ahlusunna ee munaassbadda joogay.

Ninkaas oo la sheegay in laga warhelay asagoo laxarbinaya Jaakadda Qaraxa ka dib markii uqarxiwaysay ayaa waxaa isku duubay mid ka mid ah Ciidamada Ahlusunna sidaas ayuu ku fashilmay qaraxii Guraceel.

Askariga isku duubay ninka ismiidaaminta damacsanaa ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Xussen Diiriye (juujuule)

 

Sawirka Axmed Xuseen Diiriye

 

Sawirada rasmiga ah ee ninka is qarxin rabay iyo jaakadii qaraxa.

Ciidamada Ahlusunna ayaa ku guulaystay ninka dhalainyarada ah inay ka furfuraan Jaakadda qaraxa ee uu xirnaa.

Madaxda Ahlusunna ee munaasabada xaadirka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxda ugu sareysa Ahlusunna sida Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, guddoomiyaha Guud ee Ahlusnna Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Cabdirisaaq Maxamed Mire (Ashcari).

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version