Wararka Soomaalida
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeyey geerida wasiir Xoosh
Geeradii deg deg ahayd ee maanta ku timid wasiirkii arrimaha Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ee ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta ka dib xanuun ku soo booday saaka ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka. Madaxdan ayaa ugu tacsiyadeeyey Golaha wasiirada ee Cabdi Xoosh uu ka mid […]
Geeradii deg deg ahayd ee maanta ku timid wasiirkii arrimaha Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ee ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta ka dib xanuun ku soo booday saaka ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.
Madaxdan ayaa ugu tacsiyadeeyey Golaha wasiirada ee Cabdi Xoosh uu ka mid ahaa iyo Golaha Baarlamanka Soomaaliya uu ka tirsanaa sidoo kale waxay tacsi udireen qoyskii uu ka geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil iyo dhamaan ehelada,qaraabada iyo intii taqaanay Marxuum Cabdi Xoosh in ilaahay uu kasiiyo samir iyo iimaan saganu Qabtigiisa ilaahay u waasiciyo.
“Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi raajicuun Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan Alle subxaanahu wa tacaalaa haku abaal mariyo Jannatul Firdwsa, sabar iyo iimaanna haka siiyo Qaranka iyo qoyska uu ka baxaay”
Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa dhawaan Magaalada Dubai utahay arrin la xiriirta guurka Gabar uu dhalay oo arooskeeda ka dhici lahaa maanta Magaaladaas laakiin qadartii Alle oo ku timid Cabdi Xoosh waxaa ku soo booday xanuun lama filaan ah ka dibna ugeeriyooday.