Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Cameema-Saarkiisa oo la shaaciyey

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa waxaa uu magcaabay Gudi qabanqaabinaya caleema-Saarkiisa xiliga uu dhacayo. Guddiyada qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha ayaa ka kooban afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casuumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la […]

Published

on

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa waxaa uu magcaabay Gudi qabanqaabinaya caleema-Saarkiisa xiliga uu dhacayo.

Guddiyada qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha ayaa ka kooban afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casuumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Shire Xaaji Faarax ayaa ka warbixiyey kulankaasi uu la qaatay Madaxweynuhu Guddiyada caleema saarka, waxaana uu xusay in iyadoo laga duulayo doorashadii taariikhiga ahayd ee 8-da January 2019 iyo xilwareejintii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland la samayn doono xafladda habmaamuskeedu sareeyo oo lagu caleema saari doono Madaxda cusub ee Dowladda Puntland.

Waxaa kulankaas lagu go’aamiyey in 26-ka bisha Jannaayo 2019 oo ku beegan maalin Sabti ah ay magaalada Garoowe ka dhacdo xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland.

Munaasabada Caleema-saarka ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona, mas’uuliyiin ka tirsan Golahayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, wakiilada Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version