Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka digay in Dhuus-Mareeb dhibaato ka dhacdo

Published

on

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa marka hore soo dhaweeyay qaabka loo wado maamul dhisida Galmudug oo dowladda federaalka Soomaaliya garwadeenka ka tahay isla markaana sheegay Madaxweyne Waare inuu u arko qaabka dowladda Soomaaliya udhisayso Maamulka Galmudug isla markaana qaabkaas uu yahay mid ku socda hanaan wanaagsan soo dhaweyntiisana leh.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu ka digay in maamul udhisidda Galmudug ay ka dhalato qalalaase sababa bur bur iyo maamul la,aan wuxuuna ugu baaqay Siyaasiyiyiinta,Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka reer galmudug inay ka fikiraan aayaha maamul samaynta Galmudug,is kana ilaaliyaan siyaasiyiin danlayda ah ee fowdada ka macaasha.

“Maamulka nala deriska ah ee Galmudug dhismihiisa foosha ayuu ku daahay tusaalaha koonfur Galbeed qaata,waxaana leeyahay dowladda halkaas yeysan ka dhicin doorasho qalalaaso wadata”ayuu iyi Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa intaas hadalkiisa ku daray in waqti badan ay qaadatay in maamul loo dhan yahay laga dhiso degaannada Galmudug sidaas darteed hadda loo baahanyahay in la sameeyo hab Doorasho oo loo dhanyahay isla markaana keenayn kala qeybsanaan si loo dhiso maamul loo wada dhan yahay.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa wuxuu ku baaqay in mas’uuliyiinta loo dooran doono maamulka Galmudug looga baahan yahay inay noqdaan mas’uuliyiin wada shaqeyn fiican la leh dowladda federaalka Soomaaliya lana mid noqda sida Hirshabelle iyo Koonfur galbeed si Dowladnimada Soomaaliya loo ilaaliyo.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa hadalkan wuxuu ka jeediyay munaasabaddii xalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee loogu dabaal degayay sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegatay xiligii Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen loo doortay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii Madaxweyne Waare uu ka qeyb galay munaasabadaasi.

Trending

Exit mobile version