Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Hirshabelle oo qayladhan udiray Ra’iisul wasaaraha

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qayladhan udirsaday Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka dib markii uu raagay oo daba dheeraaday khilaafka asaga iyo Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu gaaray heer Ra’iisul wasaaraha qayladhan loo diro. Yuusuf Dabageed ayaa diiday xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qayladhan udirsaday Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka dib markii uu raagay oo daba dheeraaday khilaafka asaga iyo Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu gaaray heer Ra’iisul wasaaraha qayladhan loo diro.

Yuusuf Dabageed ayaa diiday xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyadoo arintan xalinteeda ay ku baxeen Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Xildhibaano deegaan doorashadooda ay tahay Gobolka Hiiraan ka dibna arintaas ku soo dhamaatay natiijo la,aan dibna ugu soo laabtay mas,uuliyiintaas Magaalada Muqdisho.

War si hoose uu uhelay wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Waare iyo Dabageed xalay la kala qabtay ka dib markii Madaxweynaha Hirshabelle iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhanka ay utageen Yuusuf Dabageed waliba gurigiisa ka dibna Maxamed Cabdi Waare uu ujeediyay Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed inuu u hogaansamo xika qaadistii lagu sameeyay.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa la sheegay inay buux dhaafiyeen Ciidamo kala taabacsan Waare iyo Dabageed iyadoo hadda laga cabsi qabo inuu dagaal uu ka dhaco Beledweyne sida ay sheegayaan Wararka Beledweyne naga soo gaaraya.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo qadka Taleefonka kula hadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadda ku sugan Gaalkacyo ayaa ka codsaday in arintan ka taagan Beledweyne uu xal ukeeno deg degna ugu yimaado si xal loo helo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la sheegay inuu aqbalay dalabkaas Waare ka soo gaaray safarkiisa Gobolada dhexana uu ku soo gaba gabaynayo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan si xal waara looga gaaro khilaafka ka dhax taagan Waare iyo Dabageed.

Khilaafka Waare iyo Dabageed awgeed ayaa waxaa istaagay dhamaan shaqooyinkii Hay’adaha maamulka Hirshabelle iyadoo hadda wax shaqo ah ka jirin xafiisyada maamulkaas iyadoo mas,uuliyiinta maamulka Hirshabelle ku mashquulay xalinta arinta kala haysata Maxamed Cabdi Waare iyo Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed balse wax xal ah laga gaari waayay.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in xilka qaadista lagu sameeyay baadil tahay loona soo marin sharciga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version