Wararka Soomaalida
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo siweyn loogu weeraray baraha bulshada
Ka dib markii maanta Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre gawaari sawiradooda lagu soo dhejiyay la soo dhigay Isgoyska Soobe iyagoo dhiig shubaya xili dad weyne baroorbdiiq dhiyay ay ku sugnaayeen Isgoyska ayaa waxaa siweyn loogu dhaleeceeyay baraha bulshada.
Dadka aadka udhaliilay madaxda qaranka ayaa waxay ku eedeeyeen istus tusnimo iyo isla qabweyni inay ka tahay Sawirada Madaxda qaranka ee sawiradooda gawaarida lagu soo dhejiyay.
Haddaba waxaa arintan ka falceliyay oo jawaab deg deg ah ka bixiyay agaasimaha madaxtooyada Qaranka dhanka Warfaafinta Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed wuxuuna sheegay in madaxdu ay qalad geli karaan lana sixikaro wanaaga ay qabteena la sheegi karo.
Hoos ka akhro qoraalka Agaasimaha uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.
Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa.