Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Jubbaland oo war ka farxiyey u sheegay ardayda Degmada Afmadow Daawo Sawirada
Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maalmahaanba Ku sugan Degmada Afmadow ee Jubbalada hoose ayaa maanta u kuurgalay goobaha Wax barashada Degmadaas ku yaalla iyo qaabka tayada wax barashada ardayda. Axmed Madoobe ayaa Gudaha ugalay qaar ka mid ah Fasalada Iskuulada Degmadaas ee maanta uu booqday waxaana uu eegay qaabka wax barasho ee […]
Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maalmahaanba Ku sugan Degmada Afmadow ee Jubbalada hoose ayaa maanta u kuurgalay goobaha Wax barashada Degmadaas ku yaalla iyo qaabka tayada wax barashada ardayda.
Axmed Madoobe ayaa Gudaha ugalay qaar ka mid ah Fasalada Iskuulada Degmadaas ee maanta uu booqday waxaana uu eegay qaabka wax barasho ee Ardada iyo Tayadooda.
Mid ka mid ah Iskuulada uu booqday Axmed Madoobe ayaa waxaa uu gudoonsiiyey ardada Shahaadooyin ka dib markii ay dhamaysteen wax barashada aas aasiga ah.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa booqashadiisa waxay ku soo aaday saaka subaxnimadii hore oo sida caadada ah ardayda ay subixii u,istaagaan Dhaabuurka.
Madaxweynaha ayaa qaar kamid ah goobaha Waxbarasho ee uu booqday kula hadlay ardayda isagoo ku dhiiri galiyay in ay waxbarashada ku dadaalan oo ay wakhtigooda u huraan inta ay yar yaryihiin.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay haystaan fursad qaali ah oo qaar badan aysan helin loona baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan si ay hormar u sameeyaan mustaqbalka isagoo intaas ku daray in ay yihiin Ubax wadanka usoo kacaya oo ah mustaqbalka Hogaamiyayaasha iyo howlwadeenada dalkan uu sugayo.
Axmed Maxamed wuxuu sheegay in Degmada Afmadow laga hirgalin doono Jaamacad si ardayda dugsiyada sare ka baxa aysan meelo fog u aadin tayada waxbarashada Sarana kor loo qaadi doono isagoo sheegay in dhamaan baahiyaha jira la daboolaya si gaar ah Manhajka Qaranka oo qaybo aan wali dalka oo dhan la keenina ay ku dadaalayaan sidii Afmadow iyo deeganada kale ee Jubbaland loo gayn lahaa.
Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in mushaaradka Macalimiinta kor loo qaadi doono iyadoo ay qayb ka tahay qorshaha hormarinta adeegyada Bulshada ee Sanadkan 2019ka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed ayaa ardayda ka baxaysa sanadkan dugsiga dhexe gudoonsiiyay shahaadadii ugu horaysay oo dugis hoose dhexe ah oo ay soo saarto Wasaarada Waxbarashada Dowlad Goboleedka Jubbaland.