Wararka Soomaalida

Madaxweynaha KGS oo warqad udiray Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa warqad cabasho Deg-deg ah udiray dhowaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ka dib arimo la soo gudboonaaday Lafta Gareen awgeed iyadoo lagu soo waramayo in warqada ay gaartay Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Warqada deg […]

Published

on

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa warqad cabasho Deg-deg ah udiray dhowaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ka dib arimo la soo gudboonaaday Lafta Gareen awgeed iyadoo lagu soo waramayo in warqada ay gaartay Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Warqada deg deg ah ee uu udiray Madaxda sare ee dalka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay ku saabsan tahay cabasho la xiriirta in Dowladda Soomaaliya siinin Lacagtii ama Bajadkii lagu caawin jiray Maamulka Koonfur Galbeed muddo dhowr bil ah sida uu usheegay Wargayska Tusmotimes mid ka mid ah wasiirada Maamulkaas kuna jira Golaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed inkastoo naga codsaday in aan xiganin Magaciisa iyo wasaaradiisa midna.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa lanoo xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha uu ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo jawaabaan warqada codsiga ah ee uu soo diray.

Dhinaca kale Wargayska Tusmotimes ilaha xogtan la wadaagay ayaa waxay usheegeen in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen cadaadis xoog leh ay ku hayaan Madaxweyniyaasha Jubbaland iyo Galmudug si uu u mucaarado dowladda Federaalka uguna mid noqdo xulafadooda.

Sidoo kale waxaan xog ku helnay xataa Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle in lagu bilaabay shukaansiga ah inuu ka soo hor jeesto dowladda federaalka Soomaaliya kuna biiro Maamulada mucaaradka ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Haddii wararkan ay dhab noqdaan ayaa waxay ka dhigan tahay in dowladda Soomaaliya soo wajahaday Siyaasad hor leh iyo in garabkoodii taageersanaa meesha ay ka baxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version